Borussia Dortmund Oo La Timid Qorshe Ay Kusii Haysanayso Erling Haaland.

0
200

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa la timid qorshe u ogolaanaya inay sii haysato xiddiga reer  Norway ee Erling Haaland oo lala xidhiidhinayo kooxaha waaweyn ee Yurub.

Haaland ayaa la filayaa inay ku dagaallami doonaan kooxaha ugu waaweyn Yurub sida Real Madrid, PSG, Manchester United iyo Manchester City marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe, xilligaas oo la rumaysan yahay inuu shaqayn doono qodob ku jira heshiiskiisa oo dhigaya lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Borussia Dortmund.

Kooxda reer Germany ayaa ku adkaysanaysa in aanay iibinayn laacibkan, waxaanay hore ugaga  dhaaratay Chelsea oo lacago badan ku doonaysay, taas oo keentay in Blues ay xagaagii tegay u leexato Lukaku oo ay kala soo wareegtay Inter Milan.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain, Borussia Dortmund ayaa heshiis cusub u bandhigaysa Erling Haaland, kaas oo laba-jibbaar ka dhigi doona mushaharka uu hadda ka qaato kooxdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here