Xulka Spain Oo Garaacay Italy Iskana Xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Spain ayaa iska xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League kadib markii ay garaaceen xulka Itly kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Italy 10 xiddig ku dhamaystay qaybtii dambe kadib markii xiddiga Leonardo Bonucci loo taagay kaadhka cas ee toosk ah.

Xulka qaranka Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ahaa midka fiican iyaga oo wax walba ka samaystay xulka Italy oo aan ku jirin qaab ciyaareed fiican.

Daqiiqadii 17-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliya xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xiddiga Ferran Torres oo ahaa xiddiga ugu fiican ciyaarta waliba qaab ciyaareed fiican soo bandhigay ayaa daqiqiadii 45-aad dhaliyay goolka 2-aad ee xulka qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here