Gabriel Martinelli Oo Ka Fiirsanaya Mustaqbalkiisa Arsenal.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Arsenal Gabriel Martinelli ayaa laga yaabaa inuu raadsado inuu ka huleelo kooxda maadaama uusan haysan waqti uu ku ciyaaro, sida lagu sheegay wararka.

Xiddiga reer Brazil ayaa wacdaro ka dhigay Arsenal markii uu Unai Emery hogaaminayay kooxda xilli ciyaareedkii 2019/2020, laakiin dhaawacyo dartood ayuu ku dhibaatooday in uu boos ka helo shaxda Mikel Arteta.

Heshiiska Gabriel Martinelli ee Arsenal ayaa dhici doona xagaaga 2024 laakiin Arteta ayaa sheegay in uuna xiddigu helin kulamo badan sabab la xidhiidha dhaawacyada soo gaadhay.

Haatan wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Martinelli isku dayi doono in uu isaga tago kooxda hadii ayna is badalin xaalkiisa kooxda iyada oo uuna waayi doonin kooxo dalabyo ka soo gudbiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here