Real Madrid Oo Doonaysa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro daafaca dhexe ee Villarreal Pau Torres marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda Villarreal wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo kooxaha Tottenham iyo Man United doonayeen saxiixiisa.

Torres ayaa dhawaan iska diiday in uu ku biiro Tottenham isaga oo go’aansaday in uu iska sii jooo kooxdiisa suuqii xagaagii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here