Nin calooshiisa laga soo saaray hal kiilo oo musumaar ah.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaqaatiirta ayaa nin u dhashay dalka Lithuania calooshiisa ka soo saaray in ka badan hal kiilo oo bir isugu jirta musumaar, boolal, iyo mindiyo, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

Ninkan ayaa la sheegay inuu biraha liqayay muddo bil ah kaddib markii uu joojiyay mukhaadaraad uu isticmaalayay.

Biraha qaarkood ayaa looga soo saaray qalliin loogu sameeyay isbitaalka Klaipeda University Hospital, waxayna dhererkoodu gaarayeen 10cm.
Sarunas Dailidenas oo ah dhaqtar qalliinka ku takhasusay ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid yaab leh.

Sawir ay soo wadaagtay warbaahinta LRT ee dalkaas ayaa muujinaya saxan ay ka buuxaan biro oo laga soo saaray caloosha ninkaas kaddib qalliin saddex saacadood qaatay.
Ninkan ayay ambalaas isbitaalka keentay isagoo ka cabanayay xanuun daran oo caloosha ah. Waxaa la sheegay in haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, laguna tacaalayo isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here