Cristiano Ronaldo oo Cadaadis Xoogan la saaray.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtankii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu cadaadis weyn saari doono tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer haddii uu sii wado inuu muujiyo sida uu uga xun yahay natiijooyinka xun.

Ronaldo ayaa laga reebay shaxda Rasmiga ah kulankii Sabtidii laakiin waxa uu soo galay qaybtii dambe kulanka oo ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhamaadkii ciyaarta u muuqday mid aad uga xanaaqay natiijada sidoo kale si toos ah uga baxay ciyaarta xilli ay xiddigaha kooxdu taageerayaasha salaamayaan.

Neville ayaa sheegay in ficilka Ronaldo cadaadis saari doonto tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here