Falalka Islaam nacaybka ah ee ay Muslimiinta Mareykanka Wajahaan.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa lagu ogaaday in saddex meelood labo ka mid ah dadka ku nool dalkaas lagula dhaqmay Islaam nacayb, halka in ka badan boqolkiiba 90 ay sheegen in arrintaasi ay saameysay caafimaadka maskaxdooda.

Ra’yi ururintan, oo ay si wada jir ah u sameeyeen Othering & Machadka Belonging ee Jaamacadda California, Berkeley, ayaa lagu ogaaday in 67.5 boqolkiiba dadka la wareystay ay sheegeen in lagula kacay falal Islaam nacayb ah, oo ay ku qeexeen “hadallo afka ah iyo/ama weerar shakhsiyadeed, siyaasadaha arrimaha bulshada, amaba dhaqamo aan habbooneyn oo guud ahaan ku wajahn Muslimiinta”.

Muslimiinat la wareystay ee gaarayay 1,123, boqolkiiba 76.7 haween ah ayaa sheegay inay la kulmeen Islaam nacayb, marka la barbar dhigo 58.6 boqolkiiba oo rag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here