Ole Gunnar Solskjaer Oo Jadon Sancho U Sheegay Qaabka Uu Horumar U Samayn Karo.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Xiddiga ku dhibaatoonaya kooxdiisa ee Jadon Sancho u sheegay sidii uu horumar u samayn lahaa kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda.

Xiddiga ayaa wax weyn laga filaay kadib markii uu 73 milyan oo euro ugu soo biiray United kagana soo biiray kooxda Borussia Dortmund.

Laakiin xiddiga 21 jirka ah ayaa ku dhibaatoonaya ilaa haatan xilli ciyaareedka isaga oo ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo.

In kasta oo ay ku adag tahay Sancho inuu la qabsado nolosha United iyo Premier League, Solskjaer wuxuu sheegay inuu leeyahay aaminaad buuxda weeraryahanku wuxuu caddeyn doonaa guul.

Solskjaer ayaa yidhi: “Jadon wuxuu ahaa mid cajiib ah kulankii Villarreal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here