Dad muhaajiriin ah oo lagu xiray Wadanka Liibiya.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qoraal uu soo saaray agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque, ayaa ka warbixiyay xarig wadareed loo geeystay 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada Tripoli.

“Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la uruuriyay, si sharci darro ahna loo xiray, waxayna halis ugu jiraan xadgudub iyo in loola dhaqmo si aan habbooneyn” ayuu lagu yiri warbixin uu soo saaraay Dax Roque, oo ahagaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee Dalka Liibiya.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya, gaar ahaan kuwa aan haysan deggenaanshaha sharciga ah ee dalkaas, ayaa inta badan halis ugu jira xabsi aan loo meel dayin, jirdilka, tacaddiyada galmada, iyo baadda oo aad ugu badan xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here