Madaxweynaha Faransiiska oo ugu Baaqay Yurub inay ka Madaxbannaanto Mareykanka.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Yurub ay tahay inay ka madaxbannaanaato Mareykanka, waxaana baaqa Macron uu daba socdaa caradii Faransiiska ee heshiiska gujisyada badda hoosteeda mara ee u dhexeeya Mareykanka iyo Australia.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa muujiyeen caro kadib markii Mareykanku ‘albaabka dambe ka soo galay’ wax ay ku sheegeen inay tahay qorsha amniga ee isbahaysi loo yaqaan AUKUS.

Heshiiska ay wada galeen saddexdan waddan ayaa khasaare balaayiin dollar ah u geysanaya shirkadda Naval Group oo ay leedahay wasaaradda Gaashaan-dhigga Fransiiska.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ku howlan sidii ay u hagaajin lahaayeen xiriirkooda, kaas oo uu qeyb ka ahaayeen wicitaan taleefan oo dhex maray Madaxweyne Biden iyo Macron, shir-doceed ku dhexmaray shirar Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here