Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tuulada Tuugaarey oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada Jowhar ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad caafimaad daro ka dib markii Cudurka Jadeecada uu ka dilaacay tuuladaasi .
Shuceeb Siidow Shiikh oo ah gudoomiyaha tuulada oo aan la xirirrnay ayaa inoo sheegay in tuulada ay ka jirto xaalad caafimaad daro waxa uun xusay in cudurka jadeecada uu haleelay in ka badan 25 carruur ah .
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya ; – Cabdiwali Axmed Hilowle.