Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka Hadlay Dadaallo lagu Carro Turaayo Wabiga Shabeelle.

0
220

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maalmihii lasoo dhaafay maamulka gobalka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa waday dadaallo lagu caratuurayo goobaha uu ka jilcsanyahay webiga shabeelle ee gudaha magaalada Jowhar iyadoona haatan uu gabogabo maraya cara tuurka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelle dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow oo wareysi siiyay Radio Isnaay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaalada socda ee looga hortagayo fatahaada webiga shabeelle uu ka geysto gudaha magaalada Jowhar.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Maxamed Abuukar Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here