Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyey Inuu Halis Yahay Dhaawaca Harry Maguire.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka Manchester United ee Harry Maguire ayaa muddo dhawr toddobaad ah garoomada ka maqnaan doona, sida uu sheegay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulankii Aston Villa.

Harry Maguire ayaa ka  maqnaa tababarka ciyaartoyda Manchester United ay iskugu diyaarinayeen kulanka Champions League ee Villarreal oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan maadaama ciyaartii hore ay Young Boys kasoo badisay.

Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlay ayaa qiyaasay muddada uu Harry Maguire garoomada ka maqnaan doono, waxaanu yidhi: “Harry, ha badnaato ama ha yaraato, waa hubaal inuu maqnaanayo, umana muuqdo inuu fiican yahay. Waa dhaawac muruqa ah, waxaanay qaadan doontaa toddobaadyo yar. Aynu eegno sida uu usoo kabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here