Lionel Messi oo PSG u dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi ayaa si qurux badan waxa uu goolkiisii ugu horreeyay ugu dhaliyay kooxda Paris St-Germain xilli ay kooxda Manchester City ku garaaceen ciyaar ka tirsanayd koobka Champions League-ga.

Messi, oo kulankii afraad u dheelay kooxda PSG tan iyo markii uu isaga soo tagay kooxda Barcelona, ayaa kubadda ka jiiday Khadka dhexe iyadoo ay isku dhufsadeen ciyaaryahan Kylian Mbappe, markaas oo goolhaye Ederson uu haleeli waayay dhinac uu goolka ka celiyo, sidaasna uu Messi si cajiib ah shabaqa kubadda u cuksiiyay.

Ciyaaryahankan ayaa goolka kaliya ee illaa hadda uu u dhaliyay kooxda PSG waxa uu ku sii kordhiyay 672-kii gool ee uu hore ugu soo dhaliyay kooxda Barcelona.

Idrissa Gueye ayaa goolka koobaad u dhaliyay kooxda ka dhisan waddanka Faransiiska, goolkaas oo uu si qurux badan saddex xagalka uga dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Manchester City ayaa abuurtay fursado badan oo ay goolal badan ku dhalin kartay oo kubad uu madaxa la helay Raheem Sternling ayaa birta ku dhacday kaddibna Bernardo Silva ayaa tiirka goolka ku garaacay xilli gooshuna aanay cidina ku jirin.

Todoba jeer ayuuna goolhaye Gianluigi Donnarumma ka hor istaagay kooxda Manchester City inay gool ka dhaliyaan, ciyaartaas oo u aheyd middii ugu horraysay ee PSG ugu safto Champions League-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here