Gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un oo farriin lama filaan ah la Wadaagtay Warbaahinta.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabadha saameynta badan leh ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegtay in dalkeeda uu daneynayo inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Kuuriyada Koonfureed haddii waddankaas uu joojiyo “siyaasadda cadaawadda ah”.

Kim Yo-jong ayaa ka jawaabeysay baaq la cusbooneysiiyay oo uga yimid dowladda Kuuriyada Koonfureed, taasoo dalbatay in si rasmi ah loogu dhawaaqo soo afjaridda Dagaalka Labada Kuuriya.

Isku dhaca waddamadan, oo labo loogu kala gooyay gacanka Kuuriya, ayaa istaagay sanadkii 1953-kii kaddib markii la galay xabad joojin ku meel gaar ah, balse laguma joojinin heshiis nabadeed.

Tan iyo xilligaas labada Kuuriya ayaa dhanka farsamo ahaanta ugu jiray dagaal, mararka qaarna waxaa meel xun gaarayay xiriirka u dhaxeeya.

Isbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa ku baaqay in labada Kuuriya iyo xulafadooda – oo kala ah Mareykanka oo taageera Koonfurta iyo Shiinaha oo taageera Waqooyiga – ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan soo afjaridda dagaalka ayna sameeyaan heshiis nabadeed oo ka dhaca gacanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here