Franck Kessie Oo Heegan Galiyay Kooxaha Premier League.

0
363

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga qadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo u dhaqaaqista Premier League marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro kooxda reer Talyaani.

Heshiiska 24 jirkan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu heshiis hordhac ah la gaadhi karo kooxaha kale marka la gaadho suqua January.

Kessie ayaa ciyaaray dhamaan 5-tii kulan ee premier League isaga oo 4 ka mid ah ku bilowday kadib markii uu ciyaaray 37 kulan Serie A-da xilli ciyaareedkii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here