War Cusub oo Ka Soo Baxay Xaalada Lionel Messi Ka Hor Kulanka Man City.

0
200

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  ILionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in la filayo inuu taam u noqdo kulanka Champions League ee Paris Saint-Germain ay la ciyaari doonto Manchester City Talaadada.

34 jirkaan ayaa laga saaray Lyon horaantii bishaan ka dib markii uu jilibka ka dhaawacmay kulamadii ay PSG ka badisay kooxaha Metz iyo Montpellier HSC ee horyaalka France.

Waxaa jiray cabsi ah in Messi laga yaabo inuu dhowr toddobaad garoomada ka maqnaado laakiin ayaa heshay war fiican maadama uu weeraryahanku taam noqon karo kulanka Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here