Thomas Tuchel Oo Ka War Bixiyay Xaalada Mason Mount Ka Hor Kulanka Juventus.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Thomas Tuchel ayaa qirtay inuusan hubin in Mason Mount uu soo kaban doono waqtigiisa si uu u ciyaaro kulanka wareega group -yada Champions League ee ay Arbacada la ciyaarayaan Juventus.

Mount, oo seegay guuldaradii Sabtidii ka soo gaartay Manchester City sababo la xiriira ‘jug yar’ oo soo gaartay kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Aston Villa todobaadkii hore, ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa qorshayaasha Tuchel tan iyo markii uu tababaraha reer Jarmal yimid kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Ka dib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu u soo bandhigay Chelsea labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, Mount ayaa sidoo kale xubin muhiim ah ka noqday xulka England ee Gareth Southgate wuxuuna xitaa bilaabay finalkii Euro 2020 oo ay la ciyaareen Italy bishii July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here