Itoobiya oo Xireysa Safaaradooda Dalka Masar.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Danjiraha Itoobiya u jooga Masar, Ambassador Markos Tekle Rike ayaa sheegay inay bilowga bisha soo socota ee October albaabadda u laabi doonaan safaaradooda ku taalla magaalladda Qaahira.

Danjiraha oo Wareysi siiyey Idaacadda BBC waxa uu xusay in Dhaqaale xumo loo xiri doono Safaaradda muddo 3 ilaa 6 bilood.

Waxa uu beeniyey in sababta loo xirayo tahay Xiisadda Diplomaasiyadeed ee u dhexeysa Labada dal ee Muranka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, oo ay isku hayaan Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan.

Danjiraha Itoobiya waxa kale oo uu tilmaamay in Xiritaanka Safaaradooda Masar qeyb ka tahay Qorshaha lagu xiri doono ilaa 30 Safaaradood oo ka mid ah Xarumaha Diplomaasiyadeed ee ay Ethiopia ku leedahay dalalka Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here