Shiinaha oo sii daayay Maxaabiis u dhashay Wadanka Canada.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laba muwaadin oo uu dhashay waddanka Canadian oo Beijing u xirna in ka badan 1,000 maalmood ayaa ka soo baxay hawada dalka Shiinaha, waxayna dib ugu soo laaban doonaan Canada Sabtida maanta ah, sida uu warbaahinta u sheegay Rai’isul Wasaare Justin Trudeau.

Michael Kovrig iyo Michael Spavor ayay Shiinuhu xirtay bishii Diseembar 2018, waxyar kadib markii booliiska magaalada Vancouver ay xireen Meng Wanzhou oo ah madaxa maaliyadda ee shirkadda Huawei Technologies Co Ltd (HWT.UL), iyadoo booliska Vancouver ay heysteen amar awood u siina inay xiraan, kaddiinba Mareykanka u soo gacangaliyaan.

Waxyar kahor inta uusan Trudeau hadlin, ayaa warbaahinta Canada waxay sheegtay in Meng, ay dib ugu duushay Shiinaha kadib markii ay heshiis la gaartay mas’uuliyiinta Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here