Achraf Hakimi Oo Xaqiijiyay In Uu Iska Diiday Chelsea

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Achraf Hakimi ayaa xaqiijiyay inuu iska diiday kooxda chelsea si uu ugu biiro kooxda PSG Suuqii xagaaga sababa la xidhiidha in uu ku faraxsanaa kooxda ka dhisan caasimada France.

Kooxda chelsea ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Hakimi iyaga oo doonayay in ay ku buuxiyaan booska Marcos Alonso xiddigana ka qayb dhigay heshiiska.

Laakiin xiddiga ayaa iska diiday kooxda chelsea si uu ugu biiro kooxda PSG halkaas oo uu haatan ka noqday xiddig muhiim u ah kooxda reer France.

“Waxaan helay laba dalab, mid Chelsea iyo mid Paris Saint-Germain,” Hakimi ayaa u sheegay L’Equipe.

“Laakiin waxaan dareemay inay tahay inaan imaado Paris maadama aan ku farxayo halkaas”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here