Dalka Mareykanka oo laga Billaabayo Wajiga Sedexaad ee Cirbidda Tallaalka Covid-19.

0
200

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xarunta Xakameymta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Mareykanka ayaa Jimcaha maanta ah ansixiyay, in cirbidda saddexaad ee tallaalka cudurka COVID-19 ee ay soo saarto shirkadda Pfizer la siin karo dadka Mareykanka ah ee ay da’doodu ka sarreyso 65-ka sano.

Xarynta CDC ayaa sidoo kale ogolaatay in tallaalkan la siin karo dadka qaan gaarka ah ee qaba xanuunada halista ah iyo dadka ka shaqeeya goobaha nugul ee uu xanuunka sida sahlan ugu fido.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kaddib marki ay khubarro ka tirsan xaruntan Khamiistii shalay ku tala bixiyeen, in tallaalka qeybtiisa saddexaad aanan la siin dadka ka shaqeeya goobaha halista ah, balse loo ogolaado oo ka kaliyah, dadka waayeelka ah iyo kuwa qaba cudurrada halista ah.

Hase yeeshee, waxaa taladaasi ka dul-boodday, agaasimaha Xarunta CDC Rochelle Walensky oo sheegtay, in xaaladdan hubanti la’aanta ah ee cudurka COVID-19 darteed ay u qaadatay go’aanka ah in saddexda qeyb ee dadka waaweeylka, kuwa buka iyo kuwa ka shaqeeya goobaha nugul ay wada qaataan cirbidda saddexaad ee tallaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here