Barcelona oo Isha Ku Haysa 6 Xiddig oo Ay Qaab Xor Ah Ku Heli Karto.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inkasta oo aan wali la gaadhin bartamaha xilli ciyaareedka hadana Barcelona ayaa isha ku haysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyo xoojinta kooxdeeda.

Barcelona ayaa sanadihii ugu dambeeyay wayday xiddigo muhiim ah sida Messi, Suarez iyo Griezmann iyo xiddigo kale oo badan sabab la xidhiidha xaalada ay kooxdu ku jirt.

Wargayska Sport ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona diyaarinayso qorshe ay ku doonayso in ay qaab xor ah ku hesho xiddigo cajiib ah xagaaga dambe si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here