Sawir laga Qaaday gabadhan yar oo la iibinaayo kumanaan kun oo doolar.

0
407

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabar yar oo soo jiidatay aaladda internet-ka ka dib markii sawirkeedii ku baahay ayaa hadda kumanaan kun doolar ku iibineysa sawirkii asalka ahaa.

Chloe Clem, oo hadda 10 jir ah, ayaa sannadkii 2013-kii aad ugu baahday internet-ka iyadoo laba jir ah, ka dib markii hooyadeed ka duubtay muuqaal ay si layaab leh ay kaga falcelineyso safarkii layaabka lahaa ee Disneyland ay iyada iyo hooyadeed ku tageen.

Sawirka ayaa tan iyo markaas noqday mid aad loogu wadaago internet-ka oo caan ah. Waxaa loo iibin doonaa qaab lagula wareegaya sawirka dhijitaalka ah ee asalka ah.

Shirkadda NFT waxay bixisaa shahaadada dhijitaalka ah ee lahaanshaha sawirka, waxayna u oggolaanaysaa in noocyadii hore ee asalka ahaa ee ku jira internetka loo iibiyo sida inay yihiin sawirro caadi ah.

Bishii Sebtember 2013, Chloe hooyadeed Katie ayaa soo gelisay internet-ka muuqaal muujinaya labadeeda gabdhood oo ka falcelinaya kadiska dalxiis ay ku tageen Disneyland.

Mid ka mid ah gabdhaha, Lily, ayaa bilawday oohin, ayay tiri, “Balse markaa kaamirada ayaa is wareejisay oo Chloe waxay ka badashay wejigeeda, waxayna u ekaatay qof ilka dhaadheer, inta kalana internet-ka ayaa ku daray.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here