Nin udhashay dalka Mareykanka oo 58 sano Sugayay inuu hooyadiis laabta geliyo.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Calvin Barrett wuxuu tobnaan sano ku noolaa meel uusan hooyadiis ka arki karin, balse wuxuu mar walba ku riyoon jiray inuu maalin un la kulmo.

“Waxay ahayd sida in meel wadnahayga ka bannaaneyd si deg deg ah loo buuxiyay kaddib sanadahaas oo dhan.” Waa sida uu Calvin Barrett, oo ka soo jeeda Michigan dalka Mareykanka, ku qeexay inuu ugu dambeyn la kulmo hooyadiis kaddib ku dhowaad 60 sano.

Ninkan 64 sano jirka ah ayaa 40 sano baadi goobayay hooyadiis, Molly Bean oo 85 jir ah.

Wuxuu ugu dambeyn la kulmay hooyadiis kaddib markii gabadhiisa, MacKenzie, ay ka caawisay.

Hooyadiis Molly Ben waxay Bob Barrett la kulantay sanadihii 1950-meeyadii xilli uu ciidamada Mareykanka la joogay dalka UK. Waxay is guursadeen sanadkii 1955, kaddibna waxay u guureen Mareykanka bishii March isla sanadkaas.

Calvin, ilmahoodii ugu horreeyay, wuxuu dhashay sanadkii 1957, kaddib ilmihii labaad, Michael, ayaa dhashay, Mrs. Bean waxay ku laabatay UK.

Calvin Barrett wuxuu ahaa lix jir markii ugu dambeysay ee uu hooyadiis arko.

Isaga iyo walaalkiis waxaa soo koriyay aabahood iyo ayeydood, oo aan magaca hooyadood weligeed ku soo qaadin.

Barrett ayaa bilaabay inuu hooyadiis raadiyo markii uu 27 jir ahaa, kaddib markii uu aabbihiis geeriyooday sanadkii 1987.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here