Andreas Christensen Oo Qarka U Saaran In Uu Mustaqbalkiisa U Hibeeyo Chelsea.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca Chelsea Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sii dhawaanayo heshiis cusub oo uu ku qaadanayo 120 kun oo Gini todobaadkii si uu u sii joogo kooxda difaacanaysa champions League.

Xiddiga reer Denmark ayaa muhiim ka noqday kooxda chelsea tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda Chelsea isaga oo ciyaaray kulamo badan.

Si kasta ha ahaatee heshiiskiisa haatan ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin daafaca dhexe ayaa horay u sheegay in uu doonayo sii joogista kooxda.

Haatan wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay chelsea horumar ka samaysay wadahadalada ay heshiiska cusub uga saxiixanayso xiddiga waliba uu xiddigu ku dhawyahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here