Faransiiska iyo Midowga Yurub oo ka carooday heshiis ay galeen US, UK iyo Australia.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu xulufo dhinaca istaraatiijiyadda ah kula sameystay labadda waddan ee Australia iyo Britain ayaa ka caraysiiyey Faransiiska iyo dalalka kale ee Midowga Yurub.

Saddexdan waddan oo kala kulaala labada badweyne ee India iyo Pacific ayaa heshiiskan gaaray toddobaadkan. Faransiiska iyo M. Yurub ayaa dareemay in cidlo looga tagay, waxayna u arkaan in tallaabadii uu Trump qaaday ay dib u soo noqotay.

Heshiiska ayaa u muuqda in uu soo afjaray sidii wanaagsaneyd ee M. Yurub iyo Maraykanku iskula jaanqaadeen xiligii xagaaga. Heshiiska cusub oo loo soo gaabiyo AUKUS, kaas oo meesha ka saaraya Faransiiska iyo M. Yurub ayaa ka mid noqonaya tallaabooyin is xig-xiga oo uu Maraykanku ka qaatay arrintan Afgahnistan ilaa bariga Asia, kuwaas oo Yurub ka yaabiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here