Real Madrid & Barcelona Oo U Dhag Taagaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Man United.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si dhaw ula socdaan xaalada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Portugal ayaa saamayn waali ah ku yeeshay Man United tan ilaa markii uu yimid kooxda waxana uu Red Devils u dhaliyay goolal sidoo kale sameeyay caawin aad u badan.

Wakhti xaadirkan mustaqbalka Fernandes ee Man United ayaa ah mud aamin ah marka loo eego in uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here