PSG Oo Real Madrid U Dirtay Fariin Ku Saabsan Mustaqbalka Kylian Mbappe.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa Parc des Princes ayaa sheegay in weeraryahanku uu “xiriir qoto dheer” la leeyahay kooxda reer France isla markaana uusan bilaash ku bixi doonin xagaaga dambe

Leonardo ayaan ka walwalsanayn mustaqbalka Kylian Mbappe xilli ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya Real Madrid, iyadoo agaasimaha isboortiga ee Paris Saint-Germain uu ku adkeysanayo in uuna xiddigu ka tagi doonin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaa isku dayday inay Mbappe kala soo saxiixato PSG Suuqii xagaaga iyada oo 3 dalab ka gudbisay uguna dambeeyay dalab 220 milyan oo ay ka gudbisay maalintii ugu dambaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here