Xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo kamid noqday Baarlamaanka Norway.

0
239

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maryan Cabdi Xuseen oo ah gabar Soomaali ah ayaa xalay noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda Baarlamaanka dalka Norway, iyadoona Maryan Cabdi dhigtay taariikh muhiim ah.

Maryan Cabdi ayaa la sheegay inay noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo iyada oo xijaab xiran ka dhex muuqan doonta golaha sharci dajinta dalka Norway, kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha.

Maryan ayaa inta aysan siyaasadda galin aheyd guddoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Norway( Somalisk Student forening, SSF) oo uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre dadkii aas-aasay 1993

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here