Dani Olmo Oo Ka Jawaabay Xiisaha Barcelona Ee Saxiixiisa.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Dani Olmo ayaa ku adkeystay inuu iska indha tirayo wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan inuu ku laaban karo Barcelona, ​​iyadoo weeraryahanka uu si buuxda diirada u saaray xilli ciyaareedka RB Leipzig.

Xiddiga reer Spain ayaa u ciyaaray Barcelona intii u dhexaysay 2007 ilaa 2014 ka hor inta uuna u dhaqaaqin kooxda Dinamo Zagreb, halkaasoo uu u saftay 124 kulan ka hor inta uusan imaan Leipzig.

23 jirkaan ayaa dhaliyay 12 gool waxaana uu caawiyay 13 caawin 61 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan, Barcelona ayaana la sheegay inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato xiddiga suuqa Janaury ama xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee Olmo ayaa fariin u diray Barcelona isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Leipzig waliba uuna ka fikirayn in uu ku laabto Barcelona.

“Barcelona? Haatan waxaan diirada saarayaa xilli ciyaareedka Leipzig, waan ku faraxsanahay halkan, mana jirto wakhti aan xitaa ka fikiray wararka ku saabsan mustaqbalkayga”Olmo ayaa u sheegay Suddeutsche Zeitung.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here