Liverpool oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Roberto Firmino.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada weeraryahankeeda Roberto Firmino kaas oo ku dhibaatoonayay dhaawac wakhti xaadirkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Chelsea 2 todobaad ka hor isaga oo dhaawac muruqa ah soo gaadhay.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Roberto Firmino bilaabay orodka garoonka dibadiisa isla markaasna ku ciyaarayo kubada garoonka tababarka ee kooxdiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Firmino seegi doono kulanka Leeds United ee maanta iyo waliba kulanka champions League ee ay Liverpool Arbacada la ciyaari doonto kooxda Ac Milan.

Laakiin xiddiga ayaa la filayaa in uu soo laabto kulanka Crystal Palace ee todobaadka dambe ama kulanka Brentford ee ka sii dambeeya marka uu ku soo laabto tababarka buuxa ee kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here