Shiinaha oo $ 31 milyan ugu deeqay Afghanistan.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dollar oo gargaar ah oo uu siinayo Afghanistan, taas oo u muuqata mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu horreeyay ee shisheeye ee gaara waddanka ay ka taliso Taalibaan.

Gargaarka Shiinaha ee Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

“Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here