Wasiir Ruush ah oo Dhintay isagoo Badbaadinaya Ninkii Sawirayay.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirkii wasaaradda arrimaha deg degga ee Ruushka, Yevgeny Zinichev, ayaa geeriyooday xilli uu ku guda jiray jimicsi uu ku sameynayay magaalada dhinaca waqooyi ku taalla ee Norilsk.
Bayaan ay soo saartay wasaaraddiisa ayaa lagu yiri: “Yevgeny Zinichev waxa uu dhintay isagoo badbaadinaya nolosha qof kale.

Telefishinka lagu magacaabo Russia Today ayaa shaaciyay in Zinichev uu geeriyooday isagoo badbaadinaya sawir qaade la yiraahdo Alexander Melnik, xilli uu bixinayay wareysi.
Warka ayaa lagu sheegay in “Wasiirka iyo sawir qaadaha labaduba ay taagnaayeen meel gebi dheer qarkiisa ah. Sawir qaadihii ayaa meesha ka dhacay wuxuuna ku dhex dhacay biyo… kaddib Zinichev ayaa ka daba booday sawir qaadaha dhacay, waxa uuna geeriyooday kaddib markii uu madaxa uga dhacay dhagax.”

Warbaahinta Ruushka ayaa tabisay in sawir qaadaha – oo qudhiisa geeriyooday – uu ku howlanaa duubista barnaamij dukumintari ah oo ku saabsan waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here