Wafdi ka socday Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamareeb.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wafdigan oo isugu jira tababarayaal, garsoorayaal, macalimiin iyo madax ka socota xafiiska hormarinta Gobolada ee xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u yimaadeen howlo la xiriira ka qayb galka daah furka tartanka sanadlaha ah ee horyaalka degmooyinka Galmudug, iyagoo mudada ay joogaan qayb ka qaadan doona tababaro la siinayo macalimiinta iyo Garsoorayaasha Galmudug.

Maxamad Nuur Maxamad guddoomiyaha ururka Ciyaaraha Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka hadley madasha soo dhaweynta ayaa bogaadiyey kaalinta xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku yeelanayo hormarinta Sportaska Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here