Cristiano Ronaldo oo Man United U Qabtay Shaqo Ka Badan Mida Uu Lionel Messi U Qabtay PSG.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa jabiyay rikoorka iibinta funaanadaha Manchester United, muddo afar saacadood gudahood ah, kadib markii la xaqiijiyay inuu maaliyaddiisa caanka ah ee No. 7 u haysan doono kooxda reer England.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa dhameystiray dib ugu soo laabashadiisa Old Trafford maalmihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga waxana uu haatan isku diyaarinayaa in uu ciyaaro kulanka Newcastle United.

Manchester United ayaa xaqiijisay in Ronaldo uu xiran doono lambarka 7 -aad khamiistii lasoo dhaafay, taasoo keentay taageerayaashu u deg-degaan iibsashada maaliyada xiddiga ee xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here