Shacabka Afghanistan oo ka Faa’ideysanaya Kheyraadka iyo Macdanta dhulkooda.

0
178

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Guud ahaan caalamka waxaa isha lagu hayaa kheyraadka iyo macdanta ku hoos duugan dhulka Afghanistan oo ay kamid yihiin dahabka, maarta iyo macdanta naadirka ah ee Lithium.

Waxaa lagu qiyaasay qiimaha kheyraadkaas inay ku fadhiyaan in ka badan hal tirilyan oo doolar

Midowgii Soviet iyo Mareykanka waxay sheegeen in buuraha iyo dhulka taagga ah ee Afghanistan laga heli karo macdan badan sida maarta, naxaasta, dahabka iyo macdan kale.

Inkasta oo dowladda Afghanistan aysan soo saarin macdantaas, haddii laga faa’ideysto waxay wax ka baddali laheyd nolosha shacabka dalkaas.

Maalgashato ka socota dalalka Hindiya, Britain, Canada iyo Shiinaha waxay saxiixeen heshiis ku saabsan qodista macddanta balse dhamaantood wax macddan qodis ah ma aysan ka bilaabin Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here