Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ololaha Wacyigelinta COVID-19 ka bilowday Qardho.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Olole wacyi-gelineed oo ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID-19 ka bilawday degmada Qardho, kaas oo socon-doona mudo todobaadyo ah,waxaana diiradda lagu sarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Qardho ee ka hortaga caabuqa Covid-19, kaas oo saamayntiisa ay sare u kacday guud ahaan Puntland bilihii la soo dhaafayna galaaftay nolosha dad badan.

Ololahaan waxaa fulinaya Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda badbaada catruurta ee Save the Children, waxaana qorshahu yahay mid lagu baraarujinayo si bulshada looga wacyigeliyo khatarta xanuunkaa uu leeyahay.

Bahda caafimaadka ayaa bilaabay wacyi-gelino ka kooban baahinta fariimo ka baxaya Telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo dadka lagu barayo noocyada xanuunkaan, ahmiyadda qaadashadaa talaalka COVID-19 iyo sidoo kale booqasho lagu tagayo goobaha ay bulshada isugu timaado sidda iskuulada, suuqyada iyo xaafadahaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here