Kaaliyaha Dhaxal sugaha UK oo Xilkii iska Casilay.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gacan yarihii hore ee dhaxal sugaha Ingiriiska, Prince Charles, ayaa si kumeel gaar ah ugga dagey jagadii madaxa, ee uu ka hayey hey’adda The Prince Foundation, ka gadaal markii lagu eedeeyey inuu ka caawiyey helitaanka bilad sharafeed nin u dhashey Sucuudiga, oo hey’addani dhaqaale badan uggu deeqa.

Michael Fawcett, ayaa kusoo biirey hey’addani ku shaqeysa tabarucaadka saddex sano ka hor. Warbixin uu qorey wargeys, ayaa ku eedeysay Michael inuu u qalqaaliyey ganacsade Mahfouz Marei Mubarak bin Mahfous, bilad sharafeed la guddoon siiyey sanadkii 2016-kii.

Mr Mahfouz, ayaa ku gacan seyrey inuu ku kacey anshax xumo, iyadoo ganacsadaha Sucuudiga lagu soo waramayo inuu uggu yaboohay lacag fara badan, mashaariic dano gaar ah ay uggu jiraan Prince Charles.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here