Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya oo Shixnado gargaar ah la Garsiiyay.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ethiopia ayaa Sabtida maanta sheegtay in in ka badan 150 gaadiid sida gargaar bani’aaadanimo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay gaaray gobolka Tigray, ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay “masiibo ku soo fool leh” gobolkan ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan sheegay in “xannibaadda gargaarka” ee saaran gobolka ay uga sii darayso dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirta Tigray iyo in malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin gaajo.
Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladda Ethiopia in ay dardar-geliso dadaallada lagu xaqiijinayo in gargaar la gaarsiiyo gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here