Dowladda Maraykanka oo $60 Bilyan Ku Taageertay Ukraine.

0
153

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu Ukraine ka taageero ilaalinta xuduudaheeda. Madaxweyne Biden ayaa soo gudbiyey 60 bilyan oo dollar oo taageero dhinaca amniga ah.

Biden ayaa kulan uu Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Ukraine ka sheegay in “Maraykanka ay ka go’an tahay madax banaanida dhuleed ee Ukraine,
Waxa uu intaas raaciyey “Maanta waxaan ka wada hadlaynaa sida uu Maraykanku ku sii wadi lahaa taageerada Ukraine, xilli uu dalkaasi sii horumarinayo ajendaha isbeddelada dimoqraadiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here