Chelsea oo Xaqiijisay Lambarka Uu Saul Niguez U Xidhan Doono Kooxda.

0
303

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saul Niguez ayaa sheegay inuu Chelsea u xiran doono maaliyadda 17 -aad xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in sababta uu u doortay Lambarkaas tahay in ay xasuusinayso wakhtigiisii Fiicnaa ee Atletico Madrid.

Chelsea ayaa dhammaystirtay saxiixa xiddiga reer Spain maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo kula soo wareegay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga Atletico Madrid ee horyaalka la Liga xilli ciyaareedkii hore waxana uu rajaynayaa in uu chelsea ugu ciyaaro si fiican khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here