Wasiir katirsanaa Xukuumadda Afghanistaan oo Shaqo yaab leh ka Bilaabay Dalka Jarmalka.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sayed Sadaat wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta Afghanistan kahor inta uusan u cararin Jarmalka bishii December isagoo doonayay mustaqbal fiican.

Hadda wuxuu ku nool yahay magaalada bariga Jarmalka ku taalla ee Leipzig isagoo baaskiil ku shaqeysta.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah asxaabtiisa Afghanistan ku sugan ay ku cambaareeyeen inuu shaqooyinka noocaas ah qabto kaddib muddo labo sano ah oo uu dowladda u shaqeyayay, kahor inta uusan xilka iska casilin sanadkii 2018. Balse sida uu aaminsan yahay, shaqo waa uun shaqo.

” Waxba kama shallaaynayo,” ayuu yiri 49 jirkan u dhashay Afghanistan balse heysta dhalashada Ingiriiska, isagoo sita dhar midabka oronjada ah leh isla markaana dhinac taagan baaskiilkiisa. Wuxuu dowladda Afghanistan uga tegay kaddib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah dadka aadka ugu dhow madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here