Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu soo laabtay Jowhar

0
227

JOWHAR (Radio isnaay)Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle, Maamulka degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar uu ka bilaabo kulamo wadatashi ah oo la xiriira soo Magacaabista Xubnaha musharixiinta Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here