Dad badan oo Cudurka Covid-19 ugu dhintay Wadanka Kenya.

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaaloyinka waaweyn ee dalka kenya aya waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

Saraakiisha caafimaadka ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

Bahda caafimadka ayaa sheegeysa in dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, balse aysan shacnka baarugsaneyn qatarta markale uu keenay Covid19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here