PSG oo Real Madrid U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Kylian Mbappe

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hadalkii Leonardo agaasimaha kooxda PSG ee ku saabsanaa Kylian Mbappe ayaa kala cadeeyay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in uu xiddigu ka tagi karo kooxda xagaagan hadii ay dhacdo arimo gaar ah arintaas oo ka mid ah hadii miiska la saaro lacag ka badan 160 milyan oo euro.

Agaasimaha kooxda PSG aaya sheegay in ay kooxda PSG doonayso wax ka badan 160 milyan oo euro oo ah lacagtii ay ka soo bixisay markii uu joogay kooxda Monaco 4 sano ka hor iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 145 milyan oo toos ah iyo waliba 35 milyan oo gunooyin ah oo ay helayso hadii xiddiga la iibiyo.

Si ay lacagtaas u hesho waliba lacag kale ka faa’iido kooxda PSG ayaa doonaysa lacag dhan 220 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga Mbappe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here