Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay G/Galgaduud

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen Ciyaartooyda Kooxda Kubadda Cagta heerka 1aad ee degmada Cabudwaaq xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Cabudwaaq iyo degaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaarigii ay saarnaayeen Ciyaartooyda uu rogmaday, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka mid kamid ah Ciyaartoyda Kooxda Haramcad ee degmada Cabudwaaq halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here