Wiilka Madaxweyne Buhari oo Guursaday Gabadh uu dhalay Hoggaamiye Diimeed Reer Nigeria Ah.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarado khaas ah ayaa buuxiyay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria iyadoo xubno ka tirsan madaxda dalka Nigeria iyo kuwa Galbeedka Afrika ay u duuleen arooska wiilka madaxweynaha iyo gabadha hoggaamiye diineed iyo dhaqan caan ah.

arooskaYusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waawayn ee sanadkan ka dhacay Nigeria.

Mid ka mid ah taariikhyahannada ayaa BBC -da u sheegay in aroos u dhexeeya qoyka madaxweynaha iyo qoysaska boqortooyada uu ahaa mid aan horay uga dhicin Nigeria.

Lamaanahan ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Jaamacadda Surrey ee UK.

Damaashaadka ayaa sii socday ilaa Sabtidii, markii aabaha dhalay gabadha Nasir Ado Bayero si rasmi ah loogu caleemo saaray Amiirka Bichi.

Walaalkiis waa Amiirka Kano, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Islaamka ee ugu caansan Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here