Barcelona oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Arsenal.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa suuqa ugu jirta sidii ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib dhaawacii Sergio Aguero kaas oo bilod ka maqnaan doona garoomada.

Kooxda Barcelona ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here