Wabiga Shabelle oo ka fatahay Deegaanno ku dhow Jowhar.

0
148

JOWHAR (Radio isnaay) Wabiga Shabeelle ayaa ka fatahay Deegaanno ku dhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kadib Markii uu Wabigu soo buux dhaafiyay.

Wabiga ayaa ka fatahay Buq ku taalla Deegaanka Mooyko oo dhinaca Koofur ka xiga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle iyadoo Wabiga uu ka fatahay Meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Biyaha ka fatahay Halka u dhexeysa Mooyko iyo Jowhar ayaa waxaa ay ku sii fideen Deegaanno hor leh iyadoo ugu Dambeyntii ay soo gaareen wadada Laamiga ah ee Isku xirta Jowhar iyo Muqdisho  waxaana ay barakiciyaan Qaar kamid Qoysas Deganaa Agagaarka Koontaroolka Koofureed ee Magaalada Jowhar.

Sikastaba Ha,ahaatee Wabiga Shabeelle ayaa Sidoo kale ka fatahay Deegaanka Timire iyo Geedo Barkaan oo dhinaca Waqooyi Bari ka xiga Magaalada Jowhar iyadoo Fatahaadahaasina ay sababeen in ay baabi’iyaan dhul ballaaran oo ay dalagyo kala duwan ku Abuuran yihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here